BEENIN NINKA ISKU MAGACAABEY JALIYADA GODEY
Written by dhamac   
Monday, 01 March 2010 07:31
Beenin Ninka Isku MagacaabayMatalayana Jaaliyadaha Dibadda Ee Gobolka Godey Farxaan Maxamad Xaaji Jaaliyadaha gobolka godey ee reer Ogadenya waxay la mowqif tahay shacabka soomaalida Ogadenya ee xoriyad iyo cadaalad doonka ah. Waxaa baryahaan danbe soo badannaya shaqsiyaad isku magaacaabaya inay matalaan jaaliyado, oo magacyo aan la-aqoon intay soo qaataan been iyo ku-tidhi-ku-teen soo dhiga internetka iyagoo raba inay duudsiyaan xaquuqda shacabka soomalida ogaadenya. Ninka isku magacaabay Engineer Farxaan M. Xaji, sheegtayna inuu daganyahay New ZeaLand, ayaa ka mid ah canaasiirta la soo dirsaday ee isku dhabar-jabinaysa inuu hor istaago shacab u istaagay inay duudsiga lagu hayo ka gilgishaan. Wuxuu shaqsigani wakhtigiisii ku lumiyay inuu isku dayo inuu luguha qabato odayaasha iyo cuqaasha ka dhiidhiyay dhibka dadkooda uu ku hayo Ninka kililka madaxa u ah iyo canaasiirtiisa isga u adeega. Wuxuuna been abuur ku sameeyay dadka reer Godey ee dunida dacaladeeda jooga iyo kuwa wadankii hooyo joogaba. Arintaan waxay qayb ka tahay fikirka gumeysiga wayaanaha oo ay isku da-yayaan inay ku kala qaybiyaan shacabka somalida Ogadenya. Dhamaan shacabka gobolka Godey waxay beenin hayaan fikirka uu qoray Farxaan waana fikir gumaysi. Waxaan shacabka Somalida Ogadenya usheegeynaa ineey ka feejignaadaan fikirka gumaysiga oo ah qeyb-qeybinta shacabka Somalida Ogadenya. Anagoo ku hadlayna magaca shacabka Godey ahna waxgaradka iyo siyaasiyiinta kunool wadamada reer galbeedka waxaan beeninaynaa warkaas uu ninkaasi sheegtay, mana laha jaaliyad reer Godey oo uu af hayeen u yahay ama uu ma-talo. Waana qof kursi gumaysi doon ah. Engineer Cabdulaahi C. Xirsi Australia