Dagaalkii Jubooyinka oo kusii Fidey Ilaa Afmadow
Written by dhamac   
Thursday, 18 February 2010 22:38
DUF:Nayr_Maanta oo Dagaalkii ay soo qaadeen ciidamo taabacsan Sh Axmed Madoobe,saacado kadibna laga saarey ciidamadii taabacsanaa Godane,magaalada Dhobley,iyagoo shaley ku faanayey qabsashadii Diif,waxaa ku dhacdey wax ayna fileynin oo ayna meesha soo dhiganin. Dagaalkii ka dhacey Dhobley oo ay isla markiiba gacanta ay magaaladii u gashey Ciidamadii degaanka ee uu hogaaminayey Axmed Madoobe,kadibna uu qudbad ka jeediyey,barxada magaalada dad badana wey isu soo baxeen si u soo dhaweeyaan sheekhooda. Ciidamadiina waxay u gudbeen ilaa Afmadow,waxaana caawa dhici kara in Afmadow ay ka baxaan kuwa taageersan Ina Godane oo isagu aamusey oo aan idaacadaha ka hadlin markii uu jabey,hub badan iyo gaadiidna wey ka qabsadeen,waxaa dhici karta bari in Afmadow lagu kala baxo. Wixii soo kordha kala socda Dufaan.com