GURYO KALE
| Ardeyda Jaamacadaha Sudan oo Dr.Fulayfil hadiyad u siiyey kitaabkii Abu-Sacda |
| Written by dhamac |
| Thursday, 04 February 2010 14:12 |
| Ardayda jaamacadaha Sudan oo Dr. Fulayfil hadiyad u siiyay kitaabkii Abu-Sacda Ardayda jaamacadaha Suudaan ayaa hadiyad ahaan u gudoonsiiyay Dr S. Fulayfil oo nadwad ku qabtay Jaamacadda – Inter. African University. Nadwada uu qabtay Dr. Fulayfil oo ay ka soo qaybgaleen dad badan oo isugu jira madaxda dalka Sudaan, wasiiro ka tirsan DKM Somaalida, Professors jaamacadaha Sudaan wax ka dhiga, aqoonyano iyo arday farabadan ayuu Dr. Sayid Fulayfil aad ugaga hadlay arimaha Ogadenya isagoo ku tilmaamay shacabka Ogadenya inuu yahay shacab geesi ah oo jecel xoriyadda iyo wada-noolaashaha. Dr. Fulayfil ayaa sheegay inuu aad u yaqaano shacabkan, isagoo daraasaad badanna ka sameeyay qadiyadda Ogadenya oo dunida Carbta aanay siinin ahmiyadda ay ka muidantahay amnigooda qawmiga ah. Ardayda Suudaan ayaa markuu dhameeyay muxaadaradii si gooni ah u qaabilay isagoo ay markaasi la joogaan wasiiro ka mid dawlada Jabuuti iyo DKM ee Somaliya, halkaasoo uu aad ugu dheeraaday inuu sharaxaad ka bixiyo qadiyadda Ogadenya. Wuxuu sheegay Dr. Fulayfil inuu aad uga xunyahay dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya ee ka soo gaaraya gumaysiga Itobiya iyo qaar u adeegaya oo ka mid ah maamulada Somaliyeed. Dr. Sayid Fulayfil wuxuu qoray kitaab aad u qiimi badan 1978kii uu cinwaan uga dhigay (Mushkiladda Ogaden). Dr. Saadiq Enow oo ah qoraaga kitaabka (Dagaalkii Ogadenya) ayaa markuu shraxayay sababtaa uu magaca Ogadenya u qaatay soo xusuustay qoraalkii Dr. Fulayfil wuxuuna yidhi; “ .. markii uu sharxayey Dr Fulayfil sababta uu u doortay magaca Ogadenya wuxuu sheegay in sanadkii 1887 markuu Minilik qabsaday Harar ay sinaayeen saddex magac oo ah Somali, Ogaden, Abyssinia, geeska Afrika dhexdiisa. Sidaa awgeed ayuu sheegay inuu doortay kitaabkiisa inuu ku magacaabo magaca Ogaden, iskana diiday inuu ku magacaabo Somali Galbeed, magacaasoo uu sheegay Dr. Fulayfil inuu kab kab yahay xagga J. Somalidana ka yimid. Sidoo kale ayuu sheegay inuu diiday magaca Somali Xabasha oo uu yidhi waa magacii gumaysiga.” Dr. Sayid Fulayfil ayaa hadda loo magacaabay La-Taliyaha madaxweynaha Masar mudane Xusno Mubaarak, sababtoo ah waa aqoonyahan aad ugu xeeldheer taariikhda shucuubta Geeska Afrika. Xigasho ONA Dufaan.com |
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
