4 WIIL OO LAGU DILEY DHAGAX-BUUR
Written by dhamac   
Monday, 14 December 2009 10:32
Dec 14, 2009 (QOL) Wararka na soo gaadhay Ogaadeenya ayaa sheegaya daraad oo ku baagan 12/12/2009 in magaalada dhagaxbuur badhtankeeda lagu toogtay 4 wiil oo isku qoos ah. sida ay ilo xog-ogaal ahi noshegeen in afarta wiil oo la dilay iyaga oo hadhsanaya bakhaar ay ku lahaayeen badhtanka magaalada Dhagaxbuur in uu u yimid nin u shaqeeya gumaysiga Itoobiya oo magiciisa naloogu sheegay Ina Ibrahin Daa'uud ninkaas oo wararka qaar shegayaan in uu u baxsaday xaga Hargaysa. Dhanka kale nin bakhaar gadanayay oo anan magaciisa hadda haynin in isla maalintaas ay ciidamada Itoobiya ku qawraceen halkaas kadibna boo-been bakhaarkii oo maydku dhexyaalo. Wararka aanu ka helayno Ogaadeenya ayaa ah warar naxdin leh waxayna ciidamada Itoobiya u laynayaa shacabka Ogaadeenya sabab la'aan waxaa kale oo ay kufsanaaya gabdhaha Ogaadeenya ayaga oo qaarkood markay kufsadaan dilaya si aynan u sheegin. Waxaa kale oo uu wariyaha Qorahay Online u jooga Ogaadeenya no soo sheegay in hantida dadka aad loo boobaya qofkii la hadlaana ay leeyihiin waxaad tahay ONLF, ayaga oo xabsiyada Ogaadeenya ka buuxaan dad aan waxba galabsanin, waana mida keentay in ay dadku u cararaan waddama dariska la ah Ogaadeenya waxaana todobaadyadii ugu dambeyay xeryaha qoxootida ee Kenya soo gaadhayay dad aad u taabaalaysay oo ka soo cararay gumaadka uu gumaysiga Itoobiya ku hayo shacabka Ogaadeenya. Si kastaba ha ahaatee waxaa waddanka Ogaadeenya gabi ahaantiisaba ka socda dagaalo kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya & Jabhadda ONLF oo doonaysa in ay xorayso Ogaadeenya waxaana bilihii ugu dambaysay ay ONLF kordhisay dagaalka ay kula jirto Itoobiya ayada oo saldhigyo & magaalooyin waaweyn weerar ku ekaysiisay lagana dareemay dhaaman dunida oo dhan. Xigasho:Qorahay Online