GURYO KALE
| Maxaa Keenay Hinaasaha Kooxda Xin-qooq? |
| Friday, 02 January 2009 07:27 |
|
Tukaha waxaa ka muuqda arimo tilmaamaya caqli-badnidiisa sida garashada, haleelidda, xasuusta, awoodda xiriirka, ogaal is-gaarsiinta, falanqeynta dhibaatooyinka, dhisidda bulsho habeysan, howl-wadaaga ay kamidka tahay ugaarsashada, difaaca, xanaaneynta ubadka, cayaaraha, dhismaha aqallada. Waxaa kale oo intaa u dheer rabitaanka uu u qabo in uu wax cusub arko, taxadar iyo digtoonina ay weheliyaan. Wuxuu isku deyaa in uu la macaamilo qofka uu yaqaan iyo midka qariibka ku ah.
Soomaalidu goor hore ayay garteen in Tukuhu uu yahay haad garasho wanaagsan. Sheekooyinka ay reer miyigeenu isu tebiyaan waxaa kamid ahaa Tuke iyo Xuunsho ayaa sheekaystay oo iswediiyay goorta ay gartaan khatarta uu ku soo wado qofka ay ka digtoonyihiin. Xuunshadii baa waxay tiri : (Anigu waxaan wax gartaa marka dhagaxa laysoo qaato). Tukihiina wuxuu ku jawaabay : (Xuunshoy, dhimatay haddiiba aadan wax garan illaa aad aragto dhagaxa oo laguu soo qaadanayo. Anigu waxaan wax gartaa marka labada qof ay is dhugtaan).
Aadamiguse waa abuurkaas cajiibka ah ee damaciisa iyo dulmigiisa lala yaabay. Xilkii la saaray iyo boqortooyadii lagu aaminay waxaa ka kexeeyay naf iyo hawo. Illaa uu isagu wax sharciyeysto, oo uu nolosha u kaashado garaadkiisa gaaban. Markaasuu ka dheeraaday cadaaladdii Eebe, isaga oo doonaya in uu hal-abuuro cadaalad aanan dheeli-tirayn ee la jaan-qaadda maslaxaddiisa gaaban. Markaasuu naftiisii dulmiyay, dabadeedna qeyrkiis ayuu dulan u geystay.
Markii ay ilmo Aadam is laayeen oo Qaabiil uu gardarro ku dilay walaalkiis Haabiil. Nolosha oo cusbeyd iyo khibrad yaraan awgeed ayuu wiilka wax dilay u haleeli waayay qaab uu ku asturo meydka walaalkiis. Naxariista Eebe iyo fadligiisa ayaa ahaatay in loo adeejiyo macallin ka khibrad roon ee bara cashar kamid ah kuwii ugu milgaha cuslaa oo aadamigu uu helay xilligaas qallafsan. Aayadda 31-aad, suuradda Al-Maa'ida ayuu Eebe inoogu soo tebinayaa sheekadaas isaga oo leh ereyo la macna ah sidan :
'' Dabadeed, Eebe wuxuu u bixiyay Tuke dhulka faganaya, si uu u tusiyo siduu u astuturi lahaa meydka walaalkiis. Markaasuu yiri : Shalaytadeyay, miyaan ka caajisay inaan noqdo mid sida Tukahan, oo aan asturo meydka walaalkay. Wuxuuna kamid noqday kuwa qoomameeya ''.
Dakanahaa aadmigu kala galay ayaa ah mid dhaxal iyo raad daba dheeraaday ku reebtey tafiirtii ilma aadam ilaa iyo maantana waxaa socda gardaro iyo colaad dhiig ku daato oo salka ku haysa gar-daroolle iyo mid diidan gardarada. Saamaynta ay ku yeelatey gardarada guud ahaan gayiga geeska Afrika gaar ahaan ciida Ogaadeenya ayaa mid 100 sano jirsatey lehna taariikho taxane ah oo u dhaxeeya gardaroolle gumaysi ah iyo gardaro diid gobonimo doon ah, taas waxaa garab socday in mar walba oo ummadi u istaagto inay raadsato xaqa ka maqan in ay jirayaan doc-faruuryo iyo kuwa xin-qooq iyo dibin daabyo cadawgu ku adeegta la dhex-wareega bulshada horusocodka ah.
Akhristayaal maanta waxaa marag madoonta ah xaaladda geeska Afrika ay cirka ku shareeran tahay cida qaska iyo labka ka dhex wadana ay tahay xukuumadda gumaysiga Itoobiya waxaana la isla qirayaa in diidmada oogu balaadhan iyo iska caabinta ay kala kulmeen shacbi- waynaha Soomaaliyeed uu horseed u ahaa halganka xaqa ah ee ka socda gudaha Ogaadeenya
Arimahaas aan soo sheegnay iyo dadaalka loogu jiro doonista xaqa aayo ka tashiga iyo hanashada xoriyadda shacbiga Ogaadeenya waxaa dhinac socda colaado isugu jira sokeeyey iyo shisheeya intaba, waxaana maanta socda abaabul ay adeegayaasha gumaysiga ku bahoobeen kaas oo noqday nasiib wanaag mid si sahlan ku fashilma.
Dhamaan isku dayadaa oo looga gol-lahaa in lagu jahwareeriyo shacbiga mintid ka ah ayaa ku danbeeyey fadeexad ay la galbadaan kuwii is moodayey in halgank shaashada PC_ga lagu waxyeelayn karo maantana ay ku fashilmeen shacbiga hortiisa iyagoon aanan heysan meel ay ku gabadaan.
Hawlgalkii fashilmay ee Jahwareer wuxuu na barey cashir kaas oo u muuqda mid aan ka baranay shakhsiyaad dahsoonaa oo aan ka dhex muuqan jirin masraxyadda iyagoo ku shaqaynayey hab qarsoodi ah sida (Xaajo,Dhanaan) iyo kuwa la mid ah ee ay maamulaan ilmo C/nuur (Casoowe iyo Wareereey) shacbiga S/Ogaadeenya waxaa u cad meesha uu duulaanka ka socda iyagoo tilmaan rasmi ah ka haysta.
Sirdoonka gumaysiga Itoobiya oo quus ka taagan shacbiga Ogaadeenya ayaa waxa u soo baxdey fursad uu islahaa waad kaga faa’iideysan kartaa waxaana isla kolkiiba u durbaan tuntey Dr Dolaal (Jaylaani) iyo Casoowe oo iyagu kala watey laba qorshe oo dusha iska huwan mid walbana uu islahaa Salaan (Jaran-jaro) ka dhigo aad ku meel marto waxaana heshiisyo dhawr ah lagu kala galay sidii look ala faa’iidi lahaa
Buun buunintii iyo sawaxankii duulaankii saxaafadda wuxuu dhalay in la iska horkeeno bulshadii ku abtirsata magac gooni ah si loo helo colaad ahli ah oo dhinbilaha ka qaboojisa gumaysiga Itoobiya.
Hawlgalku wuxuu si toos ah looga dareemay gobolada Jubooyinka iyadoo shacabka gudaha Ogaadeenya ay durba sheeda ka garteen si deg deg ahna ku fashiliyeen, halka ay is lahaayeen amaba ay ku guulausteen inay cadaawad kala dhex dhigaan shacabka Jubooyinka iyo maamulka Kismaayo taas oo keentey in maamulka Kismaayo ku lumiyaan taageero wixii ay ka haysteen shacabka.
Soomaalidda waxay ku maah –maahdaa hubsiimo hal baa la siistaa, ka dib markii in mudo ah la sugay waxaa soo if baxdey in maanta hal meel laga hagayey qorshaha hawlgalkii Jahwareer ee fashilmay waxayna kooxda Maseyrka iyo Xinqooqa ku caan baxdey hada isku badeleen kuwa Calaacal iyo Caloolyow miciin bidey oo fashilmay.
Dufaan, Editorial.
|
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
